Ra'iisul Wasaare Khayre oo Gurigiisa Ku Booqday Guddoomiye Jawaari -Sawirro

0
Thursday April 12, 2018 - 07:42:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo Gurigiisa Ku Booqday Guddoomiye Jawaari -Sawirro

    Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha xilka iska casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha xilka iska casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Labada masuul ayaa kala irdhoobay xiisadii dhamaatay ee ka dhex jirtay baarlamanka Somalia ka dib markii gudoomiye Jawaari uu ku eedeeyey xukuumada iney gadaal ka riixeysay mooshin isaga laga keenay oo ugu dambeyn sababay inuu xilka iska casilo.

Booqashada Ra’isal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inay ahayd is cafin iyo mahad celin ku aadan tanaasulka uu Gudoomiye jawaari ka muujiyey khilaafkii ka jiray baarlamanka, waxaana labada mas’uul ka muuqday dhoola caddeyn.

Guddoomiye Jawaari ayaa Maanta lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyo khudbad uu si rasmi ah isku casilayo, iyadoo ka dib Baarlamanku uu guda geli doono todobaadyada soo socda qaabkii loo soo dooran lahaa afhayeen cusub.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip