Dowladda oo Sheegtay in Ay La Wareegi Doonto Ciidamada Imaaraadka Tababaraan -Dhageyso

0
Wednesday April 11, 2018 - 09:26:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Sheegtay in Ay La Wareegi Doonto Ciidamada Imaaraadka Tababaraan -Dhageyso

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay u mahad celinaayaan dowladda Imaaraadka Carabta Tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray  xerada Generaal Goordan.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxa ay walaac ka muujiyeen Ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta oo aan qaadan Amarka Madaxda Ciidamada Soomaalida laakiin ka amarqaata dowladda Imaaraadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip