Wasiir Ka Tirsan Britain oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Madaxda AMISOM -Sawirro

0
Wednesday April 11, 2018 - 07:03:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Britain oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Madaxda AMISOM -Sawirro

    Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Britain Col. Mark Lancaster oo booqasho aan la shaacin ku jooga Muqdisho ayaa ammaan u jeediyey howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Britain Col. Mark Lancaster oo booqasho aan la shaacin ku jooga Muqdisho ayaa ammaan u jeediyey howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya.

Mr. Mark Lancaster ayaa bogaadiyay sida ay Midowga Afrika ugu go’an tahay wiiqida khatarta iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Wasiiru Dowlaha ayaa kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, iyagoo ka wada hadlay howlgalada Ciidamada AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa doorka taageerada ah ee kaga beegan Britain.

Sidoo kale wuxuu Mr. Mark Lancaster xusay doorkii ay AMISOM ka soo qaadatay xasilinta Dalka Soomaaliya muddadii 11-ka Sano ahayd ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inaysan Midowga Afrika weligood joogayn Soomaaliya loona baahan yahay in horumarka guulaha ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in howlgalka taageerada Britain ee loo yaqaan UK Mission Support Team  (UKMST), oo hoos imanaya mashruuca UK-7O uu kor u qaadayo tayada dhismaha iyo taageerada kale ee  AMISOM iyo Ciidamada ammaanka ee Muqdisho iyo Gobollada Dalka Soomaaliya.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip