Meydadka Dagaalamayaal Ka Tirsan Xarakada Al-Shabaab oo Lagu Arkay Gobolka Wajer

0
Monday February 12, 2018 - 09:59:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka Dagaalamayaal Ka Tirsan Xarakada Al-Shabaab oo Lagu Arkay Gobolka Wajer

    Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalamayaashan ayaa ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhiga, waxaana booliska ay sheegeen in lagu dilay dagaal socday muddo labo saacadood

Taliyaha Booliska Gobolka Wajeer Stepehen Ngeitich ayaa sheegay inay jiraan dagaalamayaal kale oo u baxsaday dhanka keymaha.

Ciidamo fara badan oo kenyan ah ayaa la geeyay dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, si ay u baadigoobaan kooxdii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerartay Saldhiga Booliska.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysanayay gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka u dhow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip