Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Afgooye

0
Sunday February 11, 2018 - 10:17:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Afgooye

    Xaalada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka degan, kaddib dagaal xalay ka dhacay meel banaanka ka ah degmadaas oo ay fariisin ku lahaayeen Ciidamada dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka degan, kaddib dagaal xalay ka dhacay meel banaanka ka ah degmadaas oo ay fariisin ku lahaayeen Ciidamada dowladda.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisinka ciidan ee ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmadaas, waxaana halkaas muddo ka socday rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen.

Baraha Internet ee Al-Shabaab taageera ayaa lagu qoray in dagaalyahano ka tirsan ay gudaha u galeen degmada Afgooye, isla markaana muddo kooban la wareegeen fariisin ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Hase ahaatee Taliyaha Ciidamada Booliska Afgooye C/qaadir Cismaan Nuunow ayaa sheegay in aanay jirin Al-Shabaab gudaha u soo galay Afgooye, isagoo xusay inay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen.

Waxaa uu sheegay in Shabaabka ay soo weerareen meel banaanka ka ah Afgooye, isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo dhinacooda soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer soo weeraray degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda oo fariisimo ciidan ku leeyihiin ciidamada dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip