Madaxweynaha Kuuriyada koonfureed iyo Gabadha la Dhalatay Hoggaamiyaha Waqooyiga kuuriya oo isgacan Qaadey

0
Saturday February 10, 2018 - 11:22:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kuuriyada koonfureed iyo Gabadha la Dhalatay Hoggaamiyaha Waqooyiga kuuriya oo isgacan Qaadey

    Caasimadda Dalkaasi K/kuuriya ee Pyeongchang waxaa si rasmi ah uga furmay tartanka ciyaaraha Olimbikada,iyadoo kooxaha ka qeybgalaya ay ka mid yihiin kooxaha waddamada labada Kuuriya,kuwaasi oo furitaanka ciyaarahani sitay hal calan oo kaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caasimadda Dalkaasi K/kuuriya ee Pyeongchang waxaa si rasmi ah uga furmay tartanka ciyaaraha Olimbikada,iyadoo kooxaha ka qeybgalaya ay ka mid yihiin kooxaha waddamada labada Kuuriya,kuwaasi oo furitaanka ciyaarahani sitay hal calan oo kaliya.

Wafuuda ka qeybgalaysa ciyaarahaasi ayaa waxaa kamid ah saraakiil sar-sare oo ka socotay Kuuriyada Woqooyi oo ay ahayd booqashadii u horeysay ee koofurta ay ku tageen tan iyo dagaalkii gacanka Kuuriya.

gabadha ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa is gacan qaadeen Madaxweynaha Kuuriayda Koonfureed,taasi oo laga dheehan karo xoogaa isku so dhawaansho ah.

Hase ahaatee marti qaad rasmi ahaa oo uu madaxweynaha Kuuriayda Koonfureed u sameeyey, marti sharaftii ayaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence wuxuu diiday in ay isku miis fariistaan ergadii ka socotay Kuuriyada Woqooyi.

Munaasabadda furitaanka oo ku beegantay xilli qabow ba’an oo aan caadi ahayn uu dhacaya ayaa munaasabadii waxay soo jiidatay dad fara badan oo mar kaliya u sara-kacay rayn rayn darteed markii la saaray calanka buluuga iyo cadaanka ah ee mideynta Kuuriya.

Tartanka xilliga qaboobaha ee ciyaaraha fudud ee Olimbikada wuxuu jimcihii si rasmi ah ugu furmay xaflad lagu soo bandhigay dab-rid indhasarcaad leh oo aad u qurux badan oo lagu ammaanay midnimada ay muujiyeen reer Kuuriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip