Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmaya Bulshada Magaalada Gaalkacyo

0
Sunday January 14, 2018 - 12:46:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmaya Bulshada Magaalada Gaalkacyo

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.


Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Waxaa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamaddaasi ayaa ka dhaci doonta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug, waxaana lagu waddaa in uu berri gaaro Magaalada Cadaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip