Isku Socodkii Gaadiidka Dadweynaha Ee Puntland Iyo Somaliland Oo La Hakiyey

0
Tuesday January 09, 2018 - 16:13:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Socodkii Gaadiidka Dadweynaha Ee Puntland Iyo Somaliland Oo La Hakiyey

    Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhowaaqay in ay hakiyeen isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee deegaannada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhowaaqay in ay hakiyeen isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee deegaannada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, ayaa u sheegay warbaahinta in gabi ahaanba la joojiyey isku socodkii Labada dhinac.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in si kooban loo ogol yahay iney socdaan gaadiidka mas’uuliyiinta maamulkooda iyo sidoo kale kuwa ciidamada.

Sidoo kale, guddoomiye Faraweyne ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda deegaannada Somaliland ay si nabad ah ku joogi karaan Puntland, balse aan la aqbali doonin in ammarkooda la jabiyo.


"Waxaa la joojiyey wax walbo oo gaadiid ah oo u socda gobollada isku magacaabay Somaliland ama waqooyi Soomaaliya, ma rabno iney dhibaato gaarto dad Soomaaliyeed oo safar soo galay, kaliya waxaa la ogol yahay gaadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada, sababtana waa la wada ogyahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip