Cabdi Faarax Juxa "Soomaaliya Way Dayacan Tahay, Koox Kaliya Waxba Ka Ma Qaban Karto"

0
Monday January 08, 2018 - 17:49:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Faarax Juxa "Soomaaliya Way Dayacan Tahay, Koox Kaliya Waxba Ka Ma Qaban Karto"

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay, ayaa sheegay Soomaaliya siyaasad ahaan meel fog laga yimid, isla markaana loo baahan yahay talo wadaag iyo isu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay, ayaa sheegay Soomaaliya siyaasad ahaan meel fog laga yimid, isla markaana loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho.

Mr Juxa ayaa sheegay in dalka uu dhaqaale ahaan uu sabool yahay, isla markaana kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay, isagoo tilmaamay inay jirto kalsooni xumi siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed, balse si Soomaalinimo loo baahan yahay in loo gaaro xalka.

"Intii Burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

4-tii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana hadal kooban uu bartiisa uu ku qoray markii xilka laga qaaday ku sheegay inuu ka maqlay idaacadaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip