Madaxweyne Farmaajo oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Garowe

0
Sunday January 07, 2018 - 16:04:45 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Garowe

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasi oo si diiran loogu dhaweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasi oo si diiran loogu dhaweeyey.


Madaxweyne Farmaajo oo wafdi balaaran hogaaminayey ayey u tahay markii ugu horeysay oo uu booqasho rasmi ah ku tago dhulka Puntland tan iyo intuu kusoo biiray siyaasada wadanka Soomaaliya.

Diyaarada Madaxweynaha siday ayaa noqotay tii ugu horeysay oo soo cago dhigata Madaarka Caalamiga ah ee Garowe oo dhawaan la dhameystiray, mashuurcaasi oo kamid ah kuwa uu xariga ka jari doono Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee Puntland ayaa ka qeyb qaatay soodhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayey caasimada dowlada Puntland.

Wadooyinka magaalada Garowe ayey soo buuxiyeen shacabka oo aan u kala harin soodhaweynta wafdiga balaaran ee uga yimid Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip