Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Cusub ee Muuse Abuukar oo Xilka la Wareegay

0
Friday January 05, 2018 - 19:06:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Cusub ee Muuse Abuukar oo Xilka la Wareegay

    Xeer Ilaaliye kuxigeenkii 1aad ee xilka laga qaaday Axmed Cali Abuukar ayaa xilka ku wareejiyay xeer ilaaliye kuxigeenka cusub Muuse Abuukar Macalin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliye kuxigeenkii 1aad ee xilka laga qaaday Axmed Cali Abuukar ayaa xilka ku wareejiyay xeer ilaaliye kuxigeenka cusub Muuse Abuukar Macalin.

Munaasabad kooban oo xil wareejinta ah ayuu Xeer Ilaaliye kuxigeenkii hore kula dar daarmay xeer ilaaliye kuxigeenka cusub ee lagu bedelay inuu howsha halkeeda ka sii wado.

Xeer Ilaaliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Axmed Cali Abuukar ayaa beeniyay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Qatar, oo ahaa inuu xiriir la leeyahay Imaaraadka, isla markaana lacag ka qaatay.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka looga qaaday Dr. Axmed Cali Abuukar, iyadoo xil ka qaadistiisa ku soo aaday, xilli Xeer Ilaalinta Qaranka ay soo eedeysay Xildhibaano iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo wali kiiskiisa ay ku furan tahay Maxkamadda Racfaanka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii uu ka hor-yimid qaabkii uu Xeer Ilaaliyaha Qaranka u maray dacwad ku soo oogidii siyaasigaas.

Daawo Munaasabadda xil wareejinta:-

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip