Qareenada Madaxweynaha Marekanka oo Dalbaday in la joojiyo Daabacaada Buug Laga Qoray Trump

0
Friday January 05, 2018 - 13:06:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qareenada Madaxweynaha Marekanka oo Dalbaday in la joojiyo Daabacaada Buug Laga Qoray Trump

    Garyaqaanada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah buug laga qoray madaxweynaha oo aanan wali soo bixin, balse macluumaadka ku jira la soo bandhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaanada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah buug laga qoray madaxweynaha oo aanan wali soo bixin, balse macluumaadka ku jira la soo bandhigay.

Buugga ayaa waxaa qoray wariyaha lagu magacaabo Michael Wolff, waxayna garyaqaanada doonayaan in dhammaan la joojiyo daabacaada buugan.

Qareenada ayaa waxa ay ku doodayaan in buugga ay ku jirto aflagaado iyo meel ka dhacyo ka dhan ah Madaxweyne Trump.

Qoraaga buugan oo muddo ku dhex jirey Aqalka Maraykanka ayaa waxa uu soo xiganayaa ninkii Trump u qaabilsanaa dajinta qorsheyaasha istaraatiijiga ah Steve Banon iyo illaa 200 qof kale. Waxana uu sheegay qoraagu inuu hayo codadka dadka uu wareystey.

Wayaabaha buugan ku qoran ayaa waxaa ka mid ah in Donald Trump uu la yaabay guushii uu ka gaaray doorashada, mana uusan ku faraxsanayn xafladii caleemo saarkiisa, isaga oo sidoo kale cabsi weyn ka qabay Aqalka Cad, arrimahaas iyo qaar kale ayaa lagu sheegay buugan cusub ee laga daabacay Trump.

Arrimaha kale ee buugan oo loogu magac daray "Dab iyo Xanaaq ama Carro” la sheegay inay ku qoran yihiin ayaa waxaa laga soo qaadan karaa;

1-Ninkii Trump u qaabilsanaa dajinta qorshayaasha istaraatiijiga ah Steve Banon ayaa qabay fikir ah in kulanka dhexmaray wiilka Trump iyo koox Ruushka ka socota uu ka dhignaa qiyaano qaran.

2.Trump oo aad ula yaabay guushii uu doorashada ka gaaray, isaga oo sidoo kale ka naxay sidii isaga oo arkay reer aakhiraad.

3.Trump oo ka xanaaqay xafladdii caleemo saarka maadaama dad caan aysan ka soo qeybgalin.

4.Trump oo ka cabsada Aqalka Cad, waxaana la sheegay in ay isku dhibqabaan ciidamada ilaalada iyo Trump, waxayna dhibaato ka taagan tahay sida uu cuntada u cuno iyo weliba sida uu cadeysto.

5.Gabadha uu dhalay madaxweynaha Ivanka oo doonaysay in ay madaxweyne noqoto.
6.Ivanka oo ku shactireysato timaha aabaheed iyadoo rumeysan inay yihiin timo lagu talaalay.

7.Aqalka Cad oo aanan fahamsanayn kala horeynta muhiimadaha howlaha horyaalla.

8.Trump oo la dhacsan Murdoch oo ah milkiilaha taleefishinka Fox News.
9.Murdoch oo Trump ku tilmaamay ‘doqon’

10. Iyo In la taliyihii hore ee Amniga Mike Fynn uu ogaa in xiriirka Ruushka uu dhib ku keeni doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip