Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ka Horyimid Go'aanadii Ka Soo Baxay Maxkamada Racfaanka Goblka Banaadir

0
Wednesday January 03, 2018 - 17:56:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ka Horyimid Go'aanadii Ka Soo Baxay Maxkamada Racfaanka Goblka Banaadir

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay xarunta uu ku leeyahay Muqdisho ayuu ku gacan seyrey dhammaan go'aanadii maanta ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay xarunta uu ku leeyahay Muqdisho ayuu ku gacan seyrey dhammaan go'aanadii maanta ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Shirkan jaraa’id ayuu ku cadeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuusan ku aqbalayn go’aanka ka soo baxay maxkamada racfaanka isagoo madaxtooyada ku eedeeyay inay ka dambeyso dilalka qorsheysan iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta ka aragti duwan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdishakur ayaa sheegay in dhammaan go’aanka ay gaartay Maxkamada Racfaanka uu yahay sharci darro. Waxana uu xusay in garsoorka dalka uu iska indho tirey dil loo geystay shan ruux oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo uu ku sheegay inay ilaalo u ahaayeen iyo qof kale oo rayid ah 17kiibishii December ee sanadkii hore xilli habeenimo oo ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay is dejiyaan.

"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya.”ayuu yiri Warsame

Isagoo ka hadlayay go’aanka maanta ay gaaray Maxkamada Racfaanka ayuu yiri:

"Waxaan cadeynayaa inaan aqbalsanayn go’aanka ay maxkamadu maanta ku siisay xeer ilaalinta muddo sagaashan casho ah taasoo xeer ilaalintu ku dooneyso inay ku soo dhoodhoobto waxyaabo been abuur ah, waxaana cadeynayaa in la gaari doono maalin lala xisaabtami doono dhamaan xafiisyada haysta awooda ku takrifalaya, sida xafiisyada garsoorka iyo kuwo fulintaba.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn.

Sidoo kale, Maxkamadda racfaanka ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.Waxayna safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Ugu dambeyntii Waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip