General Dhuumaal "Dhammaan Ciidamadu Waa inay Hoos Yimaadaan Taliyaha Xoogga Dalka,"

0
Sunday December 31, 2017 - 10:53:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Dhuumaal "Dhammaan Ciidamadu Waa inay Hoos Yimaadaan Taliyaha Xoogga Dalka,"

    Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay la wareegto dhammaan maamulida ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay la wareegto dhammaan maamulida ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Dhuumaal ayaa sheegay in Muqdisho ay joogaan ciidamo badan oo aan dowladdu maamulin balse ay maamulaan dowlado kale oo ciidamadaas tababaray.

"Muqdisho waxaa joogo ciidamo ay maamulaan dowlado shisheeye oo ay ka mid yihiin Imaaradka,Turkiga,Maraykanka mana aha taas mid anfacaysa dowlada.”ayuu yiri General Dhuumaal.

Generalka ayaa ka digey in ciidamada dalalka shisheeye ay maamulaan isla markaana siiyaan mushaarka iyo saadka inay noqon karaan kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo dhibaateeya dowlada.

"Ciidamada xoogga dalka waa inay noqdaan ciidamada xoogga dalka,kana amar qaata taliyaha ciidamada ee ma aha in dowladaha soo tababaray kuwo ay rahan u haystaan.”ayuu yiri General Dhuumaal.

Warka ka soo baxay taliyihii hore ee xoogga dalka ayaa imanaya maalin kadib markii ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho ay weerareen hoyga mid kamid ah Senatorada Aqalka Sare Cabdi Xasan Cawaale.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta dowlada Federalka Eng Yariisow ayaa beeniyay inay jiraan ciidamo aan ka amar qaadan dowlada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip