Michael Keating "2018-ka Waxaan ka Qayb Qaadan Doonaa Shaqa Abuurka Soomaaliya"

0
Friday December 29, 2017 - 13:40:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Keating "2018-ka Waxaan ka Qayb Qaadan Doonaa Shaqa Abuurka Soomaaliya"

    Qaramada Midoobay ayaa qiimeyn dhamaystiran oo ay sanadkan sii dhamaanaya samaysay waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay la dagaallanka Musuqmaasuq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa qiimeyn dhamaystiran oo ay sanadkan sii dhamaanaya samaysay waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay la dagaallanka Musuqmaasuq.

Wakiilka ergeyga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , Michael Keating, ayaa si weyn ugu ammaanay Dowladda Federaalka horumarrada dhanka xasilloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Michael Keating, ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in tallaabooyinka horumarineed ee ay Dowladda Soomaaliya qaadday ay qacabad ku noqon karaan Abaarta iyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Madaxa Xafiiska Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay inay xaaladda Bini’ aaddannimo ee Dalku ay aad uga sii darto, taasoo ay uga sii darayso dhibaatada Shacabka kaga timmaadda kooxaha xagjirka ah.

Dhinaca kale, Qoraal kooban oo uu Michael Keating soo dhigay boggiisa Tweeter-ka ayuu ku sheegay in Sanadkan dabayaaqada ah ee 2017-ka uu Soomaaliya u ahaa mid wanaagsan, Sanadka 2018 kana uu rajeynayo in guulo wax ku ool ah ay bulshadu gaarto.

Wuxuuna intaa ku daray inay Qaramada Midoobay samayn doonto wax kasta oo ay ku gaari karto bulshadu natiijooyin la taaban karo , si loo hagaajiyo ammaanka loona abuuro fursado shaqo , gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa kaalin mug leh kaga jira fursadaha shaqo ee ay helaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, wuxuuna Sanadkan cusub ee 2018-ka diiradda saari doonaa jiheynta Dhallinyarada si loo yareeyo ka faa’iideysiga kooxaha xagjirka ah iyo ku dhiirrrashada Tahriibta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip