Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari oo Warqad Jawaab ah u Qoray Xeer Ilaaliyaha Qaranka -Akhriso

0
Friday December 22, 2017 - 10:35:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari oo Warqad Jawaab ah u Qoray Xeer Ilaaliyaha Qaranka -Akhriso

    Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir Warqad jawaab u aheyd codsigii uu Xeer Ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa xasaanad ka qaadid Xildhib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir Warqad jawaab u aheyd codsigii uu Xeer Ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa xasaanad ka qaadid Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Qoraalkan oo ku taariikheysnaa 19-ka bishan ayaa ka dambeeyay, markii Guddiyada Joogtada ay shir gaar ah yeesheen 18-kii bishan ka yeesheen warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku dhaliilay Xeer Ilaaliyaha in iyadoo aanu Guddoonka soo gaarin warqadii codsiga xasaanada uu saxaafada ka sii daayay, isla markaana ka sheegay magacyada labada Xildhibaan, taasoo lagu sheegay inay mid qalad ah oo baal marsan sharciga.

Sidoo kale waxaa Xeer Ilaaliyaha Talooyin loogu soo jeediyay in marka uu ka hadlayo arrimaha xasaasiga inuu tixgeliyo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka, waxaa kaloo la faray inuu ka digtoonaado baal marida habraacyada sharciga faray.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa u sheegay Xeer Ilaaliyaha in aan codsigiisa la horgeyn karin Golaha shacabka, iyadoo aan laga baaraan-degin lana qiimeyn caddeymaha ay xildhibaanada ku eedeysan yihiin, sidaas darteed uu Xildhibaanada uu xasaanada ku weyn karo cod hal dheeri ah kulanka guud ee Golaha shacabka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa maanta hor-tagay Guddiyada Joogtada, iyadoo xubnaha Guddiyada joogtada iyo Guddoonka Golaha shacabka ay su’aalooyin weydiiyeen, isla markaana uusan wax caddeyn ah u soo bandhigin oo ku aadan eedeymaha loo heysto labada Xildhibaan, balse waxaa uu ku adkeystay inuu haayo caddeymo document ah.

Kulanka Guddiga joogtada oo kaga baaraan-dagayo arrimahan ayaa sii socon doona, iyadoo laga soo saari doono go’aano.

Halkan hoose ka akhriso warqada uu Guddoomiyaha Golaha shacabka u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip