Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Gaari Khudaar Siday oo Diyaaradaha Mareykanka Duqeeyeen -Sawirro

0
Tuesday December 12, 2017 - 20:37:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Gaari Khudaar Siday oo Diyaaradaha Mareykanka Duqeeyeen -Sawirro

    Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirrada Gaari Caasi ahaa oo khudaar siday, kaasoo xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ku duqeeyeen agagaarka deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirrada Gaari Caasi ahaa oo khudaar siday, kaasoo xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ku duqeeyeen agagaarka deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada Drone ayaa gantaal ku dhufatay gaariga caasiga oo khudaar ku rarnaa, hase ahaatee ma jirto wax khasaare nafeed oo ka dhashay, marka laga reebo inay soo gaartay burbur lixaad leh.

Wararka ayaa sheegaya in xilligii duqeynta dhaceysay darawalkii gaariga iyo Kirishboyga, ay ka maqnaayeen, isla markaana ay jiif u aadeen gudaha Mubaarak.

Duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhayay, waxaana ay khasaare ka soo gaartay dad rayid ah.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip