Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo Kulan la Qaatay Ciyaartoyda Jubbaland-Sawirro

0
Thursday December 07, 2017 - 14:47:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo Kulan la Qaatay Ciyaartoyda Jubbaland-Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Ciyaartoyda Xulka kubadda Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Ciyaartoyda Xulka kubadda Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay kulanka .

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markaana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Madaxweynahu wuxuu Ciyaartoyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd isla markaana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Ciyaaraha la hormariyo ayuu Madaxweynahu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo isla markaana la hormarin doono xirfadaha kale duwan ee Ciyaaraha

Madaxweynahu waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyada Jubbaland isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhalinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

Xildhibaano Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip