Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan Oo Hogaamiyeyaasha Dunida Muslimka Ugu Yeeray Shir Degdeg ah

0
Thursday December 07, 2017 - 11:09:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan Oo Hogaamiyeyaasha Dunida Muslimka Ugu Yeeray Shir Degdeg ah

    Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyib Erdogan oo hada haya xilka Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa sheegay in 13ka bishan oo ku beegan Arbacada soo socota uu hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ku casumay Istanbul inay uga tashadaan go'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyib Erdogan oo hada haya xilka Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa sheegay in 13ka bishan oo ku beegan Arbacada soo socota uu hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ku casumay Istanbul inay uga tashadaan go'aankii kasoo baxay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee magaalada barakeysan ee Qudus.

Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii shalay ku hawlanaa xiriir teleefoono uu la sameeyey nayey hogaamiyayaasha dalalka Islaamka oo la sheegay inay intooda badan kasoo qeyb geli doonaan shirkaasi deg degta ah.

Madaxweynaha Turkiga oo shalay magaalada Ankara ku qaabilay Boqorka dalka Urdun (Jordon) Cabdullah ayaa sheegay in Muslimiinta aysan ogolaan doonin in lagu xad gudbo magaalada barakeysan ee Qudus oo kamid ah dhulka Israel ay xooga ku qabsatay.

Wuxuu Erdogan sheegay in laga rabo dalalka Islaamka inay si wadajir ah uga bixiyaan jawaab ay kuwada mideysan yihiin.

Go’aankii uu xalay ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Trump oo sheegay inuu Qudus u aqoonsaday Caasimada rasmiga ah ee Israel ayey cambaareeyeen inta badan Beesha Caalamka oo ay ku jiraan xulafada Maraykanka ee Midowga Yurub.

Dalka Bolivia oo xubin ka ah Wadamada hada ku jira Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo arrintan looga hadlayo, Safiirka Bolivia ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay go’aanka Trump mid khatar ku ah amniga Bariga Dhexe, waxaa sidoo kale baaqan kulanka Golaha Amaanka taageeray dalalka France iyo UK oo iyaguna kamid ah xubnaha joogtada ah ee Golahaasi.

Jawaabta Falastiin


Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa shir isugu yeeray hogaamiyayaasha Falastiin oo sheegay inay ka munaaqashoonayaan go’aanka ay qaadan doonaan.

Cabaas ayaa ku tilmaamay hadalka Trump mid lagu taageerayo dhul boobka Israel wado iyo waliba waxa ay doonayaan kooxaha Xagjirka ah ee raba inuu dhaco dagaal ku saleysan Diin. Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Maraykanka uusan sii ahaan karin garwadeenka wadahadalada u dhaxeeya Falastiin iyo Israel.

Shacabka Falastiin ayaa iyagu isu diyaarinaya sadex maalmood oo mudaharaadyo ah, walow intooda badan ay sheegayaan in ay horey u ogaayeen in Maraykanka uusan marnaba dhex dhexaad ka ahayn arrinta Falastiin iyo Israel.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip