Ahmed Ali Saleh oo Wacad Ku Maray inuu Xuutiyiinta Ka Sifeynayo Dalka Yemen

0
Wednesday December 06, 2017 - 10:41:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahmed Ali Saleh oo Wacad Ku Maray inuu Xuutiyiinta Ka Sifeynayo Dalka Yemen

    Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saleh oo shalay lagu diley magaalada Sanca ayaa ku dhowaaqay dagaal aargoosi ah kaasoo loogaga sifeynayo wadanka Yemen kooxda Xuutiyiinta ee haatan maamusha caasimada Yemen ee Sanca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saleh oo shalay lagu diley magaalada Sanca ayaa ku dhowaaqay dagaal aargoosi ah kaasoo loogaga sifeynayo wadanka Yemen kooxda Xuutiyiinta ee haatan maamusha caasimada Yemen ee Sanca.

"Waxaan hogaamin doonaa dagaal loogaga xoreynayo Yemen Xuutiyiinta,dhiigga aabahayna waxa uu dhegaha Iiraaniyiinta ku noqon doonaa naar,”ayuu yiri Ahmed Ali Saleh oo hore ugaga tirsanaa saraakiisha milatariga dalka Yemen, isagoo ka hadlay taleefishinka al-Ekhbariya.

Dilkii shalay ee Cali Cabdalle Saleh ee ka dhacay duleedka magaalada Sanca ayaa la sheegayaa in sidoo kale uu ku dhintey Tareq Mohamed Abdullah Saleh oo ay ilmo adeera ahaayeen Cali Cabdalle waxaana la aaminsanaa in Tareq oo ah General uu hogaamin doono taageerayaasha Cali Cabdalle Saleh.

Magaalada Sanca ayaa maanta degeneyd kadib markii duqeyntii ay huwanta Sacudiga joojiyeen waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas ka dhacayay dagaal xoog leh kuwaasoo geystey qasaare laxaad leh.

Hase yeeshee kooxda Xuutiyinta ayaa dabaaldegyo ka dhigayay maanta oo dhan magaalada Sanca iyagoo ku faraxsan dilka Cali Cabdalle Saleh maadaama uu ahaa hogaamiye dhuunt u galay Xuutiyiinta afartankii sano ee la soo dhaafay.

Ururka Jaamacada Carabta ayaa cambaareeyay dilka madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saleh. Sidoo kale Madaxweyaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi oo jooga magaalada Riyadh ayaa ku baaqay in shacabka Yemen ay kacaan kana soo horjeestaan Xuutiyiinta.

Hadi ayaa ku baaqay in bog cusub la furo isagoo yiri: "Aynu u midowno sidii aan dambiilayaasha u ciribtiri lahayn oo aan u dhisi lahayn Yemen oo midowday,”.

Hay’ada Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ICRC ayaa sheegtay in ugu yaraan 234 ruux lagu diley inkabadan 400 ay ku dhaawacmeen dagaaladii ka dhacayay tan iyo bilowgii bishan magaalada Sanca.

Dagaalka ka socday wadanka Yemen oo galay sanadkii labaad ayaa galaaftay kumanaan ruux waxana ka dhashay mid ka mid ah xaaladihii ku xumaa ee dhinaca bani’aadanimada ee caalamka soo mara, waxaana u baahan gargaar cunto ah illaa 7 malyan oo ruux iyadoo hal malyan oo kalena uu cudurka daacuunku saameeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip