Madaxweyne Axmed Madoobe" Waa in la Dar-dar Geliyaa Howl Galada Ka Dhan ah Al-Shabaab"

0
Tuesday December 05, 2017 - 21:39:49 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe" Waa in la Dar-dar Geliyaa Howl Galada Ka Dhan ah Al-Shabaab"

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Shirka Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dowladaha tageera Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay dabagal dhab ah iyo islaXisaabtan la xiriira sababaha Al

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Shirka Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dowladaha tageera Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay dabagal dhab ah iyo islaXisaabtan la xiriira sababaha Al-Shabaab looga saari la'yahay deegaanada ay wali joogan iyadoo boqolaal milyan lagu bixiyo hawl galka AMISOM taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in beesha Caalamka looga baahan yahay in AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kalana Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada looga bahan yahay in ay ku Xisaabtamaan in Ajinabi uuna Soomaaliya waligii joogaynin ee ay dhisaan Ciidamada Qaranka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Ciidamada Soomaaliya oo kumanaaan ah aysan haysanin tasiilaadkii ku filnaa iyo tababar toona lakiin marka iyaga iyo AMISOM la isku geeyo ay ka badan yihiin kana awood weyn yihiin Al-Shabaab .

Shirarka ayuu Madaxweynahu sheegay in la joogo wakhtigii ficil loo badali lahaa isla markaana su’aalo la iska weydiin lahaa halka ay wax ka khaldan yihiin iyadoo horay loo sii soconayo

Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in hawl galada wakhtigan la dar-dar galiyo oo laga shaqeeyo sidii wakhtiga kooban ee AMISOM u haray uu u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto isla markaana la dar-dar galiyo dhismaha Ciidamada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip