Shirkii ururka Dalalka Khaliijka ee GCC oo Fashilay isagoo Aanba Furmin!

0
Tuesday December 05, 2017 - 21:32:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii ururka Dalalka Khaliijka ee GCC oo Fashilay isagoo Aanba Furmin!

    Shirka ururka dalalka Khaliijka ee GCC oo maanta ka furmayey magaalada Kuwait ayaa la qorsheeyey inuu socdo labo maalin, balse qadar yar kahor ayaa la sheegay in shirka maanta lasoo afjari doono kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen Madax Sare ee d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka ururka dalalka Khaliijka ee GCC oo maanta ka furmayey magaalada Kuwait ayaa la qorsheeyey inuu socdo labo maalin, balse qadar yar kahor ayaa la sheegay in shirka maanta lasoo afjari doono kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen Madax Sare ee dalalka Xulafada Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa shirkan usoo dirtay Wasiirkeeda Arrimaha Dibada oo aan kamid ahayn Qoyska Boqortooyada, waxaa horey loo filayey inuu yimaado Boqor Salman. Halka dalalka Baxreyn iyo Imaaraatiga ay soo direen wafuud heer hoose ah.

Dhinaca kale dowlada Imaaraatka ayaa maanta shaaca ka qaaday in UAE iyo Sacuudiga wada dhisanayaan urur iskaashi oo u gaar ah oo ka shaqeyn doona arrimaha militariga, siyaasada iyo ganacsiga. Ururkan cusub oo laga feer sameeyey kii horey u jiray ee GCC.

Arrintan ayey dhaawac weyn ku tahay Emirka Kuwait Sabah Al Ahmed oo rajeenayey inay yimaadaan Boqorada Khaliijka shirka uu ku casumay, isagoo horey balan qaad ka heystay dowladahaasi.

Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa iyagu wax yar kahor ka degey magaalada Kuwait si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

Shirkan ayaa ah midka sanadlaha ee GCC waana kii ugu horeeyey oo dhaca tan iyo xiisada Khaliijka markii ay bilaabatay oo ay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga hogaamiyaan xayiraada dul dhigeen Qatar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip