Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Xubin-nimada Muumino Sheekh Cumar -Sawirro

0
Monday December 04, 2017 - 16:38:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Xubin-nimada Muumino Sheekh Cumar -Sawirro

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka.

kulankaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxaana kulanka soo xaadiray xildhibaano gaaraya ilaa 159 Mudane.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayaashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqon doonta Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa 158 Mudane, waxaa diiday hal Xildhibaan, ma jirin Mid ka aamusay sidaas ayayna ku gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxa ay u gudbeen ajendaha labaad oo ahaa Qeybin Warbixinta wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka doodistiisa waxaana Guddoonka uu u sheegay mudanayaasha Golaha in ay soo akhristaan si ay uga doodaan kulamada xiga.

Sawirro.

1-132-133-124-135-7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip