Cali Cabdallah Salax oo Shuruudo Ku Xiray Wadahadalka Sacuudiga

0
Sunday December 03, 2017 - 11:24:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Cabdallah Salax oo Shuruudo Ku Xiray Wadahadalka Sacuudiga

    Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax oo ay ciidamadiisa sabtidii shalay la wareegeen in badan oo kamid ah caasimada Yemen ee Sanca, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo xulafada Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax oo ay ciidamadiisa sabtidii shalay la wareegeen in badan oo kamid ah caasimada Yemen ee Sanca, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo xulafada Sacuudiga.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa khilaaf xoogan ka dhex taagnaa kooxda Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdallah Saalax oo horey u lahaa isbaheysi ka dhan ah Xukuumadii Cabdulrabi Mansuur Hadi, kuwaasi oo si wadajir ah u qabsaday caasimada Sanca dhamaadkii sanadkii 2014.

Khilaafka Cali Cabdallah Saalax iyo Xuuthiyiinta ayaa keenay in kooxda Xuuthiyiinta ay xabsi guri galiyaan Saalax labadii bilood ee lasoo dhaafay, xurguftaasi oo todobaadkan isu bedashay dagaal culus oo ka qarxay Sanca.

Xoogaga ka amar qaata Cali Cabdallah Saalax oo muddoyinkii danbe is abaabulayey ayaa weerar culus ku qaaday xarumaha dowlada ee Caasimada iyagoo la wareegay inta badan xarumihii Wasaaradaha iyo Warbaahinta.

Sabtidii shalay ayuu Cali Cabdallah Saalax warbaahinta kula hadlay magaalada Sanca isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in xal laga gaaro dagaalka ka socda Yemen iyo inay wadahadal toos ah la yeeshaan Xulafada Sacuudiga oo ay la dagaalamayeen tan iyo 2015kii.

"…Hadii walaalaheen iyo deriskeena ay joojiyaan duqeynta iyo xayiraada ay dul dhigeen wadankeena, oo gar gaarka loo furo shacabka, waxaa diyaar u nahay in aan wadahadal la galno….” ayuu yiri Cali Cabdallah Saalax oo fariin u dirayey Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay xuuthiyiinta ayaa ku eedeeyey Saalax iyo ciidankiisa inay inqilaabeen maamulkii ay wada dhisteen, waxayna Xuuthiyiinta sheegeen inaysan iyagu marnaba wadahadal la geli doonin Sacuudiga.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdulmalik Al Xuthi ayaa sheegay in dagaalka ka socda Sanca lagu dhameeyo wadahadal, isagoona kula taliyey Cali Cabdallah Saalax inuu joojiyo xiisada uu wado.

Madaxweyihii hore Cali Cabdallah Saalax ayaa kamid ahaa hogaamiyayaashii Carabta ee xilka looga tuuray kacdoonkii carabta ee 2011. Balse wuxu weli awood ku dhexlahaa hay’adaha amaanka iyo militariga Yemen, wuxuuna xulafo la sameystay Xuuthiyiinta si xukunka looga tuuro xukuumadii isaga bedashay ee uu hogaamiyo Cabdulrabi Mansuur Hadi oo isagu hada ku sugan Riyadh, Sacuudiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip