Madaxweynaha Maamulka Jubbland oo Muqdisho Kaga Qeyb Galaya Shirka Amniga Qaranka -Sawirro

0
Saturday December 02, 2017 - 12:26:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Jubbland oo Muqdisho Kaga Qeyb Galaya Shirka Amniga Qaranka -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Mas’uuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimadda.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in ammaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabad galyada wadanka.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip