Maraykanka oo Beeniyay in Dadkii Lagu Diley Weerarkii Bariire Ay Ahaayeen Dad Rayid

0
Thursday November 30, 2017 - 11:10:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Beeniyay in Dadkii Lagu Diley Weerarkii Bariire Ay Ahaayeen Dad Rayid

    Dowlada Maraykanka ayaa beenisay in dad rayid ah lagu diley howlgalo laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaa beenisay in dad rayid ah lagu diley howlgalo laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.

War rasmi ah oo ay Milatariga Maraykanka soo saareen ayaa lagu sheegay in dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen "Kuwo hubeysan oo cadow ah”.

Warbixin kooban oo ay soo saareen ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa cinwaan loogaga dhigay "Qiimeynta Eedeymaha Dad Rayid Ah Oo La Diley 25kii August Oo La Soo Saaray.”

"Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.

Hase yeeshee dadkii lagu diley 25kii August sanadkan deegaanka Bariire xilli aroor hore ayaa baaritaano ay dowlada Soomaaliyeed sameeyeen waxaa lagu sheegay in dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah isla markaana ay oggolaatay in dowlada ay ka bixiso magdhow.

Taliyihii ciidamada Xoogga dalka ee xilligaas General Cirfiid ayaa sidoo kale sheegay in dadka lagu diley Bariire ay ahaayeen dad rayid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip