General Tredishe oo Sheegay in Saraakiil Al-shabaab ah oo Baxsad Ka ah Duqeymaha ay Soo Galeen Gobolada Dhexe

0
Monday November 27, 2017 - 10:58:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Tredishe oo Sheegay in Saraakiil Al-shabaab ah oo Baxsad Ka ah Duqeymaha ay Soo Galeen Gobolada Dhexe

    Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Tredishe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Tredishe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

Generalka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ka geysanayaan qaar kamid ah gobolada Koofureed ee dalka.

"Waxa ay ka soo baxsadeen duqeymaha koofurta Soomaaliya waxayna ku soo jeedaan Galgaduud iyo Mudug umana ogolaanayno inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay qaxa ku yimaadeen.”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General Axmed Maxamed Tredishe.

Taliyaha guutada 52aad ayaa intaasi ku sii daray in qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab ay u gudbeen maamul goboleedka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

"Qaar ka mid ah madaxdooda waxa ay mareen degmada Ceeldheer iyo Xaradheere iyagoo u gudbay buuraha Galgala.”

General Axmed Maxamed Tredice ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab uuna rajeynayo in kuwo kale ay isa soo dhiibaan.

Warkan ka soo yeeray taliyaha guutada 52aad ee qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii la sheegay in gaadiid dagaal oo ay wataan qaar kamid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ay gaareen deegaano kamid ah degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip