Guddiga Joogtada ah Aqalka Sare oo la Kulmay Wafdi Ka Socday Baarlamaanka Djibouti -Sawirro

0
Sunday November 26, 2017 - 22:07:17 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Joogtada ah Aqalka Sare oo la Kulmay Wafdi Ka Socday Baarlamaanka Djibouti -Sawirro

    Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdigii ka socday baarlamaanka Djibouti, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdigii ka socday baarlamaanka Djibouti, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo uu horkacayay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa soo dhaweeyay wafdiga Djibouti, wafdiga ayaa sidoo kale loo xiriiriyay khadka Telefoonka guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo hadda xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin labada gole ee dowlada federalka Soomaaliya.

"Kulanka iyo booqashada aad noogu iman doontaan waxaa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal, golaha shacabka iyo Senatoradana in ay ka wada shaqeeyaan guud ahaan dhismaha iyo midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xumad

Sidoo kale Senatarada Aqalka Sare oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay wax lagu farxo booqashada guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.

Maxamed Cali Xumad,Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti waxaa uu khamiisii booqasho ku yimid Muqdisho isaga oo Jimcihii tagay Baladweyn halkaas oo ay joogaan ciidamada Djibouti ee”Hiil-walaal” kuwaas oo ka tirsan AMISOM, waxaa uu sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle halka shalay oo sabti aheyd ayaa qudbad u jeediyay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Madaxda sare ee dalka inta uu booqashada ku joogo dalka Soomaaliya.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip