Safiirka Qatar u fadhiya Suudaan oo Kaalmo lacageed Guddoonsiiyay Dhaawacyadii Qaraxii Zoobe -SAWIRRO

0
Tuesday November 14, 2017 - 16:53:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Qatar u fadhiya Suudaan oo Kaalmo lacageed Guddoonsiiyay Dhaawacyadii Qaraxii Zoobe -SAWIRRO

    Safiirka dawlada Qatar u fadhiya dalka Suudaan Raashid Al-Nucayni ayaa si joogta ah ula socdaa xaalada bukaanadii ku dhaawacmay qaraxi Muqdisho 14-kii bishii October 2017-kii ee isgoyska Zoobe ka dhacay, waxaana uu u fidiyay taageero maaliyadeed ee a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka dawlada Qatar u fadhiya dalka Suudaan Raashid Al-Nucayni ayaa si joogta ah ula socdaa xaalada bukaanadii ku dhaawacmay qaraxi Muqdisho 14-kii bishii October 2017-kii ee isgoyska Zoobe ka dhacay, waxaana uu u fidiyay taageero maaliyadeed ee ay u baahan yihiin,waxaana uu xog-ogaal u noqday xaaladooda caafimaad oo ay markasta ku sugunyihiin.

Safiirka ayaa mid mid u kormeeray qolalka ay ku jiraan bukaanada, waxaana uu u rajeeyay in alle uu bogsiiyo.

Waxaa kaloo Safiirka uu wareystay dadka la socda bukaanada, waxaana uu weydiiyay sida loola dhaqmo iyo adeega caafimaad ee la siiyo bukaanada.

Safiirka ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadayaan kaalmooyinka ay u fidinayaan dhaawacyadii qaraxii Zoobe ee la geeyay dalka Sudan, iyadoo Hey’adaha Qatar Sama falka Qatar ay si joogta wax uga qabtaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip