Ra'iisulwasaare Kheyre Oo Ugu Baaqay Haweenka Soomaaliyeed In Ay Hormuud U Noqdaan Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

0
Tuesday November 14, 2017 - 13:40:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisulwasaare Kheyre Oo Ugu Baaqay Haweenka Soomaaliyeed In Ay Hormuud U Noqdaan Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamada qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, isla markaana ay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamada qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan dagaalka dowladda dooneyso iney ku qaado Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga saaro Al-Shabaab, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Marka Hore kala doorad siiyay Haweenka iney doortaan ku hoos noolaanshaha wax uu ku sheegay dhibaatada dalka ay ku hayaan Al-Shabaab iyo iney helaan dowladd difaacda nafsadooda

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida, kana qayb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale sheegaya in hadii dalkan laga waayo Al-Shabaab ay la baratamayaan Dalalka kale ee caalamka ee Nabada ku Faana.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip