Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawiradda Weerarkii Buulo Guduud iyo Hub Ay Ku Qabsadeen -Sawirro

0
Tuesday November 14, 2017 - 13:07:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawiradda Weerarkii Buulo Guduud iyo Hub Ay Ku Qabsadeen -Sawirro

    Kooxda Al-shabaab garabka u qaabilsan warbaahinta Alkata'ib ayaa faafisay Filim cusub oo ku saabsan dagaalkii xooganaa ee bilo ka hor ka dhacay degaanka Buulo-Guduud duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-shabaab garabka u qaabilsan warbaahinta Alkata'ib ayaa faafisay Filim cusub oo ku saabsan dagaalkii xooganaa ee bilo ka hor ka dhacay degaanka Buulo-Guduud duleedka magaalada Kismaayo.

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo 18 daqiiqa ah ayaa lagusoo bandhigayaa ciidamada Al-shabaab oo qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaallo ku qaadaya fariisin ay halkaas ku lahaayeen ciidamada maamulka Juballand

Al-Shabaab ayaa dagaalkan sheegatay iney ku dishay ku dhawaad 30 Askari waxaana filimka ka muuqda gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo ay sheegeen iney ka qabsadeen ciidamada Jubbaland.

Filimka ayaa lagu soo bandhigay ninkii fuliyay qarax ismiidaamin ah oo weerarkan lagu bilaabay kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdi Casiis Cabdullaahi oo ka soo jeeda Beesha Eelaay, waxaana la arkayaa isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo gudaha u galaya saldhigga Buulo Guduud ee ciidanka Maamulka Jubbaland.

Sawirro.

buulo-1buulo-2buulo-3buulo-4buulo-5buulo-6buulo-7buulo-8buulo-9buulo-10buulo-11buulo-12buulo-13




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip