Qaramada Midoobey oo Eedeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee Ku Sugan Soomaaliya

0
Monday November 13, 2017 - 12:44:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo Eedeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee Ku Sugan Soomaaliya

    Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubbada Hoose,taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubbada Hoose,taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda oo laga rabay in ay ka hortaggaan dhuxushaasi oo ay dhoofiyaan Al-Shabaab Balse taasi badalkeeda in ay ka qaataan lacag.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Ciidamada Kenya ay Jawaankii dhuxul ah ee ka dhoofaya Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo ee Jubada hoose ay ku leeyihiin $2 Doollar.

Sidoo kale Kooxda ayaa xustay in ka badan $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah in Al-Shabaab ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha sanadkiiba.

Waxa ay sheegeen in Beesha Caalamka laga doonaayo in ay arintaasi wax ka qabtaan Maadaama Al-Shabaab ay halkaasi ka helaan lacago badan.

Qaramada Midoobey ayaa Shan Sano ka hor ku dhawaaqday in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaana joojinteeda loo xil saaray Ciidamada AMISOM oo inta badan jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip