Dowladda Mareykanka Oo Ka Hor-timid In AMISOM Ay Ka Baxdo Gudaha Soomaaliya

0
Sunday November 12, 2017 - 14:28:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Ka Hor-timid In AMISOM Ay Ka Baxdo Gudaha Soomaaliya

    Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay kusii nagaadaan,islamarkaana aysan ka bixin , maadaama wali xaaladda amni ee Soomaaliya ay xun tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay kusii nagaadaan,islamarkaana aysan ka bixin , maadaama wali xaaladda amni ee Soomaaliya ay xun tahay.

Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ballaarin doonto howlgalka iyo taageerada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si loo ciribtiro Al-Shabaab.

Waxa ay sidoo kale dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay sii kordheyso khatarta Argagixisadda Soomaaliya hadda ka jirta.

"Ma taageerayno in ciidamada AMISOM ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordhayso, waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya illaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.” Ayuu yiri Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Dhawaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo ah qaybta 2-aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo Socota.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in Xaaladda Ammaan ee Muqdisho ay tahay mid halis ah, waxaana shaqaalaheeda ay ku amartay in ay kasoo baxaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip