Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo la Wareegay Awooddii Golaha Aqalka Sare

0
Thursday October 12, 2017 - 12:01:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo la Wareegay Awooddii Golaha Aqalka Sare

    Madaxda shanta Maamul goboleed oo maalintii shalay shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay awooddii Aqalka sare oo u taagneyd matalaada danaha dowlad goboleedyada ee ka midka ah dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda shanta Maamul goboleed oo maalintii shalay shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay awooddii Aqalka sare oo u taagneyd matalaada danaha dowlad goboleedyada ee ka midka ah dowladda Federaalka.

Dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa uu mar kale su’aal ka keenayaa awooda Aqalka sare oo ka mid ah Hey’addaha Dastuuriga ah ee Federaalka.

Sidoo kale dhismaha Golahan waxaa uu howl gab ka dhigayaa Aqalka sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad goboleedyada ahna Hey’ad Dastuuri ah

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa xilligan ku heysta dowladda Federaalka qodobo ka mid ah Dastuurka oo muhiima gaar ay u leedahay dowladda Federaalka, waxaana ay aheyd in Aqalka sare ay arrintan uga dambeeyaan maadaama ay ku matalaan Federaalka.

Madashii Wadatashiga Qaran ee dowladdii hore ayaa la xusuustaa sida ay awooda iyo talada ugala wareegaan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo dhismaha Golahan ay u muuqato tallaabadaas oo kale.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip