Natiijada Baaritaanka Kiiskii Cabdikariim Qalbi Dhagax oo Weli Aan la Shaacin!

0
Thursday October 12, 2017 - 11:50:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Baaritaanka Kiiskii Cabdikariim Qalbi Dhagax oo Weli Aan la Shaacin!

    Waxaa la joogaa labo maalin kadib xiligii la sheegay in la shaacin doono natiijada baaritaanka kiiskii Muwaadinkii (Qalbi Dhagax) oo ay dowlada Federaalka u gacan gelisay Itoobiya, waxaase weli lagu guuleysan in la shaaciyo waxa kasoo baxay baaritaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la joogaa labo maalin kadib xiligii la sheegay in la shaacin doono natiijada baaritaanka kiiskii Muwaadinkii (Qalbi Dhagax) oo ay dowlada Federaalka u gacan gelisay Itoobiya, waxaase weli lagu guuleysan in la shaaciyo waxa kasoo baxay baaritaankaasi oo ay wadeen Gudi ka socda Baarlamaanka Federaalka.

Xiisada ka dhalatay Muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo kamid ahaa saraakiisha ONLF oo ay dowlada Federaalka Soomaaliya u gacan gelisay dowlada Itoobiya bishii Agoosto ayaa ahayd mid ay horey dood uga yeesheen Baarlamaanka Federaalka.

Gudigan loo saaray baaritaanka kiiskan ayaa ka danbeeyey kadib markii Xukuumada Federaalka ama Golaha Wasiirada ay shirkoodii 6dii bishii September ku adkeysteen dhiibista muwaadinkaasi iyadoo xukuumada Xasan Cali Khayre ay ku tilmaamtay jamhada ONLF mid argagaxiso ah oo la shaqeysa kooxda Al Shabaab.

Hadaba baaritaanka ay wadeen gudigan xildhibaanada ka kooban ayaa ahaa mid si hoose u socday oo aan saxaafada loo soo bandhigin, manacada illaa iyo hada waxa dib u dhaca ku keenay xiligii loo qabtay in la shaaciyo oo ahayd Salaasadii lasoo dhaafay ee 10ka bishan Oktoober.

Dhiibista Qalbi Dhagax ayaa niyad jab ku riday in badan oo kamid ahaa dadka ay ku dheertahay wadaniyada ee horey u taageeray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isagu labadii bilood ee lasoo dhaafay marna aan ka hadal xiisadan isla markaana sababtay inuu Madaxweynaha joojiyo wareysiyadii uu bixin jiray.

Sidoo kale Raysalwasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre oo la rumeysan yahay inuu kamid ahaa xubnihii lagu wargeliyey dhiibista sarkaalkaasi ONLF iyo golihiisa Wasiirada ay weli ku adkeysanayaan in ONLF ay tahay jamhad argagaxiso ah ayna ku saxsanaayeen dhiibista sarkaalkaasi.

Sharciga


Waxaa dhinaca kale jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sharciyada ama qaabka loo dhiibay ninkaasi ahaa muwaadin heysta dhalashada Soomaaliya, iyadoo aan gebi ahaan la marin xeerarkii ciqaabta ee dalka Soomaaliya.

Su’aalaha la isweydiinayo ayaa ah:

1- Qalbi dhagax miyuu danbi ka galay dalka iyo Qaranka Soomaaliya? Hadii jawaabtu HAA tahay, hadaba maxaa maxkamad loogu soo taagi waayey dalka Soomaaliya gudihiisa?

Hadii Jawaabtu MAYA tahay maxaa ku khasbay dowlada Soomaaliya inay muwaadinkaasi u gacan geliso dowlada Itoobiya oo horey hay’adaha caalamiga ee xaquuqul insaanka ugu eedeeyeen jirdilka iyo dilka ay u geysato maxaabiista aan maxkamada lasoo taagin?

2- Hadii dowlada Itoobiya ay si rasmi ah usoo codsatay in Qalbi Dhagax loo soo gacan gesho, dowladu maxay usoo bandhigi weyday codsigaasi iyo dacwadaha loo heysto iyadoo u mareysa wadada sharciga ah ee xeer illaalinta iyo maxkamada Soomaaliya oo ah mida laga rabo inay ogolaato dhiibista ninkaasi.

3- Hadii dowlada Soomaaliya aysan si rasmi ah heshiis is-dhaafsi eedeysanayaal ama maxaabiis aysan ulla gelin Itoobiya maadaama aysan jirin wax heshiis ah oo uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey, qaabkee baa loo dhiibay ninkaasi?

Su’aalahaasi ayaa ah kuwo aan illaa iyo hada wax jawaabo ah loo heyn, isla markaana ku khasbay aamusnaanta dheeraatay ee madaxda sare ee dowlada Federaalka oo dhegaha ka xirtay Sheekada QALBI DHAGAX oo u muuqata inay tahay sheeko aan halkaasi ku ekaan doonin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip