Madaxweynaha Puntland oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo

0
Wednesday October 11, 2017 - 22:42:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo

    Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana ah guddoomiyaha ku-meelkgaarka ah ee gollaha Iskaashiga maamul goboleeyada ayaa waraysigii u horreeyay oo uu bixiyay wuxuu kaga hadlay shirkii Kismaayo iyo War-muriyeedkii ka soo baxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana ah guddoomiyaha ku-meelkgaarka ah ee gollaha Iskaashiga maamul goboleeyada ayaa waraysigii u horreeyay oo uu bixiyay wuxuu kaga hadlay shirkii Kismaayo iyo War-muriyeedkii ka soo baxay.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay Idaacadda VOA-da, wuxuu sheegay in gollaha cusub ee iskaashiga ee maamul goboleedyadu ay samaysteen uu dastuurku xaq u siinayo, islamarkaana aysan ahayn arrin cusub ee muddo soo socotay, waxaana uu tilmaamay in Golahan ka shaqeyn doona horumarinta danaha Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu difaacay qodobadan ku soo baxay War-murtiyeedka,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in wadatashi lagala yeesho Dowlad Goboleedyada go’aamada masiiriga ah ee sida tooska ah saamayinta ugu yeellan kara deegaannadooda sida u dhigayo dastuurku, gaar ahaan wuxuu ka hadlay arrinta khilaafka weyn dhalisay ee go’aankii xukuumada federaalka ka qaadatay xiisadda Khaliijka, waxaana xusay in go’aankaasi uusan dhexdhexaadnimo, ee dowladu la safatay dowladda Qadar.

" Ma aha wax la isku hayaa in awoodii dowlad federaalku cidi qaadaynayso, dowladu waa dowladayadii, annagu in lanaga dhigo inaan duulaan ku nahay sax ma ah waa arrin khaldan, waxa la isku hayaa waa arrimaha masiiriga ah, oo annaga (dowlad goboleedyada) na taabanaya oo si dhab ah uga hadlay qodobka 53aad, Maslaxadaha annaga sida tooska ah noo taabanaya haddii aan lanagala tashan, waa la dhawaaqayaa, waxaa la leeyahay ka jooga, Dastuurkuna waa noo ogolyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip