Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Ka Dhiseyso Dugsi u Gaar ah Dadka Naafada ah

0
Wednesday October 11, 2017 - 22:34:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Ka Dhiseyso Dugsi u Gaar ah Dadka Naafada ah

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah e C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Xukuumadda sanadkaan ay wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto Dugsi weyn oo wax lagu bari doono dadka Naafada ah ee lixaadkooda aanu dhameystir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah e C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Xukuumadda sanadkaan ay wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto Dugsi weyn oo wax lagu bari doono dadka Naafada ah ee lixaadkooda aanu dhameystirneyn, lacag la'aanna wax lagu bari doono

Wasiir C/raxmaan, ayaa sheegay in sidoo kale ay qorsheynayaan in Shan Boqol oo macalimiin ay howlgaliyaan, Kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya Mushaar ay siin doonto, ayna ka howlgali doonaan Magaaladda Muqdisho iyo Dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay ujjeedka Dowladda uu yahay in lasoo nooleeyo Addeegyadii Waxbarasho ee Soomaaliya, si loo helo waxbarasho tayeysan oo isku dheeli tiran.

"Sanadkaan qorshaha waxaa noogu jira in aan dhisno Dugsi weyn oo loogu talo galay in ay wax ku bartaan dadka Naafadda ah gaar ahaan kuwa arraga la’, waxaa kale oo qorshaha noogu jira in Shan boqol oo macalin oo dowladda u shaqeeya la sameeyo, Mushaarkooda iyo gaadiidkooda Dowladda Miisaaniyadeeda ayaa lagu dari doonaa, Gobolka Banaadir iyo dhammaan gobolada dalka ayey ka howl gali doonaan macalimiintaasi ” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip