Xarunta Cilmi-Baarista Ee Geeska Africa oo Qabatay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Kaalinta Dhalinyarada Ee Siyaasadda Soomaaliya

0
Wednesday October 11, 2017 - 22:22:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Cilmi-Baarista Ee Geeska Africa oo Qabatay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Kaalinta Dhalinyarada Ee Siyaasadda Soomaaliya

    Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista Iyo Horumarinta geeska Africa ayaa waxaa ka soo qayb galeen Madax dowladeed,Aqoonyahanno,I Simmo,dhalinyaro,ganacsao.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista Iyo Horumarinta geeska Africa ayaa waxaa ka soo qayb galeen Madax dowladeed,Aqoonyahanno,I Simmo,dhalinyaro,ganacsao.

Ugu horrayntii waxaa madasha ka hadlay oo doodda furay Wasiiru dowlaha Warfaafinta,Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Dr.C.Fitaax Nuur (Ashkir) oo sheegay in la gaaray waqtigii ay dhalinyaradu dalka hoggaamin lahaayeen.

Wasiir Ashkir mahadcelin wuxuu usoo jeedshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C.weli M.Cali Gaas, wuxuuna Wasiirku ku tiraabay "wuu ku mahadsanyahay Madaxweyne Prof:C .Weli M.Cali Gaas in hoggaanka dalka uu u dhiibay wasiirana ka dhigay dhalinyaro fara badan, oo aan aniga ku jiro waxaana loo baahanyahay in lagu daydo Madaxweyne Gaas, oo hoggaanka dalkana lagu aamino in ay madaxweyne ka noqdaan dhalinyaro fir fircoon”.

Hadalka Wasiir Ashkir ka dib,waxaa Madasha ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland C.rixmaan Diiriye Shuuqe oo sheegay in ay ka go’antahay dowladdu in la gaaro hal nin iyo codkii,ka horna la diyaariyo jawigii ay hawshaas ku hir-gali lahayd.

Ka dib waxaa la galay soo ban-dhigiddii waraaqo cilmiyeedyadii ay soo kala jeediyeen Safiir Abshir Xasan Abshir,Prof:Yaasiin Cabdulaahi Beeldaaje,Maxamuud Ciise,Eng:Cabdulaahi Yuusuf Qaylo.

Waraaq Cilmiyeedka ka dib,waxaa doodda naaxiyay Guddoomiyaasha jaamacadaha sida:guddoomiyaha jaamacdda Bosaaso C. Weli Gayre iyo Guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda East Africa Maxamed Maxamuud Ciise,Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Iyo Aqoonyahan Khadar Axmed Nuur Oog ayaa doodda sidoo kale dhinacooda ka naaxiyay.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay ka soo qayb-galayaasha Doodda sida:Sakariye Maxamed Isticmaar oo sheegay in dhalinyaro farabadan ay sannadka ka qayb galeen Golayaasha dowladda heer federal iyo weliba heer gobol.


Ugu dambayntii waxaa shirka soo xiray Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Ee geeska Africa Liibaan Axmed Shire oo si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka Xarunta Cilmi-baarista geeska Africa iyo waxay bulshadu ku soo Kordhisay.

Wuxuu sheegay xaruntu inay qabatay 6 dood cilmiyeed in ka badan ,waxay kaloo soo saartay 6 tirsi Ee wargagska "Yagleelka Aayaha” iyo wax qabad kale oo badan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip