Dowladda Iiraan oo Ka Hadashay Kalluumaysto U Dhashay Wadankeeda oo Ku Xiran Dekeda Bosaso

0
Wednesday October 11, 2017 - 15:36:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan oo Ka Hadashay Kalluumaysto U Dhashay Wadankeeda oo Ku Xiran Dekeda Bosaso

    Dowladda Iiraan ayaa markii u horraysay ka hadashay xaaladda kalluumaysato u dhashay wadankeeda oo ciidamadda Puntland ay ka soo qabteen xeebaha degmadda Xaafuun ee gobolka Karkaar. Kalluumaysatadan iyo doontii ay wateen ayaa haatan lagu hayaa Dekeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Iiraan ayaa markii u horraysay ka hadashay xaaladda kalluumaysato u dhashay wadankeeda oo ciidamadda Puntland ay ka soo qabteen xeebaha degmadda Xaafuun ee gobolka Karkaar. Kalluumaysatadan iyo doontii ay wateen ayaa haatan lagu hayaa Dekeda magaaladda Bosaso.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Sistan and Balochestan ee dalka Iiran Ali Asghar Mir-Shekari oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka ee Iiraan,ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga badmaaxayaasha Iiraaniyiinta ah iyo doonidii ay wateen, waxaana uu sheegay in doonidu ay ka kalluumaysanaysay biyaha Caalamiga ah. arrintaasi ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda arrimaha Dibadda

Wuxuu sheegay in 27 bishii September doonida iyo 18 shaqaale oo saarnaa ay ka soo shiraacdeen Dekeda Konarak ee gobolka Sistan iyo Balochestan, iyagoo ogolaansho ka haysta maamulka gobolkaaasi inay ka soo kalluumaystaan biyaha caalamiga ah. wuxuu sheegay in sharci darro tahay tallaabada ay Soomaalidu qaadeen marka loo eego shuruucda caalamiga ah

Howlgal ay ciidamada Puntland ay ka sameeyeen xeebaha xaafuun ay ku soo qabteen Doonida iyo shaqaalihii, kuwasoo isku dayay inay baxsadaan, hase yeeshee Xabado ay ciidamadu ku fureen ayaa waxaa ku dhintay Kabtankii doonida, waxaana ku dhaawacmay nin kale, waxaana gacanta ku soo dhigeen 16 badmaaxe oo la keenay Dekeda Magaaladda Bosaso saddex maalmood ka hor.

Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Dekeda Bosaso Maxamed Cali Xaashi oo VOA-da la hadlay wuxuu sheegay in Maxkamad la soo taagi dooni shaqaalaha doonida la qabtay, waxaa kaloo uu sheegay mar la waydiiyay in dowladda Puntland la xiriirtay ehelada dadka ay soo qabteen iyo dowladda Iiraan, waxaa uu sheegay in howshaasi ay u taalo madaxda sare ee Puntland

Xeebaha Puntland oo qani ku ah noocyada kala duwan ee kalluunka, waxaa ka kalluumaysto maraakiib shisheeye, kuwasoo qaarkood ay si sharci ah uga kalluumaystaan oo ruqsado ay ka qaataan dowladda, balse waxaa jira maraakiib iyo doonyo tiro badan oo si sharci darro uga kalluumaysta badda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip