Shirkii Kismaayo Ee Madaxda Maamul Goboleedyada Oo La Soo Gaba-gabeeyay

0
Wednesday October 11, 2017 - 11:45:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Kismaayo Ee Madaxda Maamul Goboleedyada Oo La Soo Gaba-gabeeyay

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda ka qeyb galeysay shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku afgarteen.

Warar ay heleyso Radio Shacab ayaa sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul goboleedyada uu ka mid ahaa in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Walaac badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip