Maamulka Koofur Galbeed oo Amaro Culus Dul Dhigay Siyaasiyiinta iyo Saxaafada Madax Banaan

0
Tuesday October 10, 2017 - 22:19:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Koofur Galbeed oo Amaro Culus Dul Dhigay Siyaasiyiinta iyo Saxaafada Madax Banaan

    Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray amaro culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta madax banaan, iyagoo looga digay inay joojiyaan shirarka siyaasadeed iyo wararka wax u dhimaya maamulka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray amaro culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta madax banaan, iyagoo looga digay inay joojiyaan shirarka siyaasadeed iyo wararka wax u dhimaya maamulka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in aan la qaban karin shirarka siyaasadeed ee ka dhan ah maamulka, isla markaana cidii qabata ay tallaabo cad ka qaadayaan.

Sidoo kale waxaa uu uga digay warbaahinta inay tabiyaan wararka lidiga ku ah maamulka, waxaana la faray in hadii ay tabiyaan ay la kulmi doonaan xarig iyo ciqaab.

Magaalada Baydhabo ayaa laga mamnuucay shirarka siyaasadeed ee ka dhan ah maamulka, iyadoo lagu soo rogay hotelada in aan lagu qaban karin shirar aanu maamulka iyo hey’adaha ammaanka ogeyn

Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkan dambe la kulmayay culeysyo siyaasadeed oo uga imaanayay siyaasiyiinta, waxaana xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ay ku hanjabeen inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip