Raila Odinga oo Ku dhawaaqay inuu isaga Haray Doorashada Ku Celiska ee Madaxweynaha Dalka Kenya

0
Tuesday October 10, 2017 - 22:09:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raila Odinga oo Ku dhawaaqay inuu isaga Haray Doorashada Ku Celiska ee Madaxweynaha Dalka Kenya

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada ku celiska ee Madaxtinimada Kenya, taasoo lagu wado inay dhacdo 26-ka bishan October.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada ku celiska ee Madaxtinimada Kenya, taasoo lagu wado inay dhacdo 26-ka bishan October.

Raila ayaa sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisa Kolonzo Musyoko ay go’aansadeen inay isaga haraan Tartanka doorashada Madaxweynaha.

Mr Odinga ayaa sheegay in aan la aqbalin dalabkooda, kaddib markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ay bishii September waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii 8 August.

Waxaa uu sheegay in go’aankooda ahaa in doorashada ku celiska lagu qabto hanaanka ay Maxkamadda amartay, sida uu dhigayo dastuurka dalkaas.

Raila Odinga ayaa sheegay inay dalbadeen in la bedelo xubno ka mid ah Guddiga doorashada Kenya, oo ay horay ugu eedeeyeen inay is daba marin ku sameeyeen doorashadii August.

Uhuru Kenyatta ayaa aqbalay go’aankii Maxkamadda sare ay ku laashay natiijada doorashadii August.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xisbigiisa Jubilee ayaa maalmihii u dambeeyay waday olole doorasho oo labo kacleyn ah, isagoo safaro ku tagayay magaalooyinka dalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip