Maamulka Jubbaland oo sheegay in la Ballaarinayo Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo

0
Tuesday October 10, 2017 - 22:02:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubbaland oo sheegay in la Ballaarinayo Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo

    Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah oo indho indhayn ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo, halkaasi oo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah oo indho indhayn ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo, halkaasi oo dhowaan la filayo in howl ballaarin ah laga bilaabo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah, iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Garoonka diyaaradaha oo la dhisay xiligii xukuumadda Maxamed Siyaad Bare ayaa maalin kasta waxaa ku soo dega, kana duula diyaarado kala yimaada dhammaan goboladda Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho, waxaa kaloo garoonka maalinle u adeegsada ciidamada Kenya ee xarunta ka samaystay garoonka. Garoonka ayaa haatan noqday habka ugu fudud ee aad ku gaari kartida Magaaladda kismaayo, waxaana isha labaad ee dakhligu uga soo xaroodo maamulka Jubbaland marka laga reebo dekeda Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip