Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

0
Tuesday October 10, 2017 - 16:20:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo Golaha Shacabka Soomaaliya iyo arrimo kale sida kulanka ka dib uu warbaahinta Dowladda u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip