Mucaaridka Kenya oo Weli Diidan Qaabka Ay u Dhaceyso Codbixinta Doorashada Ku Celiska Ah

0
Tuesday October 10, 2017 - 16:11:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridka Kenya oo Weli Diidan Qaabka Ay u Dhaceyso Codbixinta Doorashada Ku Celiska Ah

    Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa Isniintii shalay markale ku celiyey inuusan ka qeyb galayn doorasho musuq musuq maasuq ah, xili qaar kamid ah isbaheysigiisa ay ku biireen dhinaca xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa Isniintii shalay markale ku celiyey inuusan ka qeyb galayn doorasho musuq musuq maasuq ah, xili qaar kamid ah isbaheysigiisa ay ku biireen dhinaca xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee Jubilee.

Odinga ayaa lagu wadaa inuu Arbacad beri ah safar ku tago dalka UK, walow ay xisbi xaakimka kusoo oogeen dacwad hortaal maxkamada oo lagu khasbayo Mucaaridka inaysan diidi karin doorashada la qorsheeyey inay dhacdo 26 bishan Oktoober.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey xubno horey uga mid ahaan jiray mucaaridka NASA oo ubadan kuwii looga guuleystay doorashadii dhacday Agoosto ay sheegeen inay ku biireen xisbi Xaakimka Jubilee.

Odinga ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu dhaqaalihii dalka u adeegsanayo inuu kula wareego xubno daciif ahaa oo kamid ahaa xisbiga Mucaaridka, wuxuuna sheegay inuusan weli dhamaan halganka ay ugu jiraan inay la wareegaan awooda dalkaasi.

Balse Raila ayaa markale sheegay inuusan ka qeyb geli doonin doorasho musuq maasuq ah isagoo weli ku adkeysanaya in la casilo guddiga doorashada oo uu ku eedeeyey ina u xaglinayaan xisbi xaakimka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip