Xaaf oo Sheegay in Loo Soo Adeegsaday Milateriga iyo Nabadsugida Balse uu Ka Badbaaday

0
Monday October 09, 2017 - 11:40:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf oo Sheegay in Loo Soo Adeegsaday Milateriga iyo Nabadsugida Balse uu Ka Badbaaday

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay ka hadlayay shirka wadatashiga ee Maamul goboleedyada uga furmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay ka hadlayay shirka wadatashiga ee Maamul goboleedyada uga furmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in loo adeegsaday ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida inay soo qabtaan, balse uu ka badbaaday.

"Ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida ayaa la isoo adeegsaday inay isoo qabtaan, laakiin waa ka badbaaday inqilaab dhicisoobay ayuu ahaa, waana nasiib darro”ayuu yiri Axmed Xaaf

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamuladii la dhisay in la dumiyo, isla markaana la carqaladeeyo, isagoo ku baaqay in wixii dan u ah shacabka laga shaqeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Mr Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay ka shaqeyso xasiloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.

Shirka Kismaayo uga socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip