Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Magacaabay Agaasimayaal Cusub

0
Tuesday October 03, 2017 - 21:27:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Magacaabay Agaasimayaal Cusub

    Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Xeer Lr-105, soona baxday maanta oo taariikhdu tahay 03October 2017 ayaa lagu magacaabayAgaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Xeer Lr-105, soona baxday maanta oo taariikhdu tahay 03October 2017 ayaa lagu magacaabayAgaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo agaasimaha Shaqada, Shaqaalaha ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo shaqada


Wareegtadan ayaa Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay Maxamed Cali Nuur "Jubba”, halka Agaasimihii hore ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi loo magacaabay agaasimaha wasaaradda dhalinyarada, shaqada, Shaqaalaha iyo Sportiga ee Puntland



Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo shaqada ayaa waxay leedahay Labo Agaasime guud. Waxaana Saddex sanno ee la soo dhaafay agaasimaha guud ka ahaa Qaybta Dhalinyarada iyo ciyaaraha ah Axmed Cabdalla Tigaana.

Agaasimaha Cusub ee loo magacaabay Wasaarada arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Maxamed Cali Nuur ayaa muddo 12 sanno ka soo shaqaynayay isla Wasaarada arrimaha gudaha, isagoo muddo dheer ahaa agaasimaha waaxda qorshaynta iyo horumarinta ee Wasaaradda, Kadibna waxaa laga dhigay agaasimaha waaxda dowladaha hoose ee Wasaaradda. Agaasimaha cusub wuxuu gaar ahaan ka shaqaynayay barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo noqday maraashiicda dhaxagalka ee 9 sanno u dambeeyay ka hirgalay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida wadooyinka laamiga ah, Dhismayaal maamul oo loo dhisay degmooyinka Qaarkood, Iskoolo, xarumo caafimaad iyo xarumo kale oo dadweyne.

 

Wareegtadu waxay u qornayd sidatan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip