Xildhibaan Odawaa oo Ka Cudur Daartay Xubinimada Guddiga Baarlamaanka u Saaray Baaritaanka kiiskii Qalbi Dhagax

0
Monday September 18, 2017 - 18:50:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Odawaa oo Ka Cudur Daartay Xubinimada Guddiga Baarlamaanka u Saaray Baaritaanka kiiskii Qalbi Dhagax

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo xubinimada Guddigaloo saaray kiiskii Qalbi Dhagax iyo qaraarkii Xukuumadda ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo xubinimada Guddigaloo saaray kiiskii Qalbi Dhagax iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan.

Mr Odawaa ayaa sheegay inuu safar shaqo oo uu dibadda ah uu ku maqan yahay, isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray, isagoo xusay inuu ka cudur daaranayo.

"Safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, inaan guddigaas ka mid noqdo waa ka cudur daaranayaa, anigoo aysan ii saamaxeyn inaan guddigaas la shaqeeyo iyo mudada guddigaas loo qabtay oo aan dalka ka maqanahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa maanta Guddi gaar ah u magacaabay, kuwaasoo ka soo baaraandega arrinta la xiriirta qaraarkii Xukuumadda gaartay ee ku saabsanaa dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax, iyadoo guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaano ah laga sugayo inay ugu dambeyn warbixin ka keenaan kiiskan 10-ka bisha October




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip