Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dilay Askari kale

0
Wednesday September 13, 2017 - 14:57:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dilay Askari kale

    Taliyaha booliska gobolka bari C/xakiim Xuseen Yuusuf ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan askari ka tirsan ciidamadda daraawiishta oo askari kale ku dilay tuuladda Ceeldaahir ee Gobolka Bari maalintii Shalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha booliska gobolka bari C/xakiim Xuseen Yuusuf ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan askari ka tirsan ciidamadda daraawiishta oo askari kale ku dilay tuuladda Ceeldaahir ee Gobolka Bari maalintii Shalay.

Wuxuu sheegay in askari la dilay uu ka tirsanaa ciidamadda booliska gobolka bari gaar ahaan ciidamada ilaaliyaha Kontoroolka Bosaso, wuxuu xusay inuu ka yimid degmadda Qardho halkaasi oo ku booqday Aabihiis oo xanuunsanaa.

"Gawaarida Qaadka Qardho ka soo qaada ee Bosaso keenta ayuu soo raacay, ninkaasi iyo niman kale, adigu ninkaas la soo qabtay ayaa xabada lahaa ayaa la yiri, xabad ayaa ku dhacday marxuumka waana dhintay sida la noo sheegay, annagu goobjoog kamaanaan lahayn” ayuu yiri Taliy

Taliyuhu ma uu sheegin magacyada ninka la dilay iyo ninka wax dilay, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in gacan-ku-dhiiglaha dilka gaystay uu ka tirsanaa ciidamadda daraawiishta Puntland, Sababta uu u dilka u gaystay ayuu ku sheegay inay la xiriirtay baabuur qaad u siday Bosaso oo ay doonayeen inay qaad ka qaataan, baabuurkaasi oo uu saarnaa marxuumka geeriyooday.

Taliyuhu wuxuu digniin u diray ciidamadda iyo dadka shacabka ee isbaarooyinka u dhigta wadooyinka gawaarida qaadka sida, wuxuu sheegay inaysan dowladu u dulqaadan doonin falal amni xumo ka abuuraya wadooyinka muhiimka ah ee dalka

"Qaadku wuxuu ka mid yahay badeecooyinka ay dadku la soo degaan, waa hantidoodii, dowladu waa cashuurtaa, lacag ayay ka qaadaa, lacagta la siinayo ciidamada daraawiishta iyo booliiska la siinayo ayay ka mid tahay” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

" Waxaanu uga digaynaa hadda ka bacdi inay ka fogaadaan, Hadhow cidda oronaysaa qof ama dad ayaa halkaa la nooga dilay hadday qabaa’il yihiin ama cid kale yihiin looma dulqaadan doono, tallaabo ayay dowladu ka qaadi doontaa haddii eebe yiraahdo”

Tuuladda Libow ee ka tirsan degmadda Qardho waxaa shalay ka dhacay Shil kale oo la xiriiray Jidgooyo ay koox dhalinyaro ah ay u dhigteen baabuurta qaadka Qaadka, waxaana ku dhaawacmay nin ka mid ah dadka qaadka ka ganacsada, kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo Magaaladda Garoowe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip