Saldhigyo Al-shabaab ku Lahaayeen Gobalka Shabeellaha Hoose oo La Duqeeyay

0
Wednesday September 13, 2017 - 14:53:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo Al-shabaab ku Lahaayeen Gobalka Shabeellaha Hoose oo La Duqeeyay

    Guddoomiyaha degmadda Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Aadan Cumar Madoobe ayaa warbaahinta Federaalka u sheegay in Ciidamada dawlada iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha degmadda Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Aadan Cumar Madoobe ayaa warbaahinta Federaalka u sheegay in Ciidamada dawlada iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Saldhigyada la weeraray ay hore uga baxeen ururka Al shabaab, ka dib hawlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaataayeen

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ay ka warheleen, waxaana weerar duqeyn ah xalay lagu laayay dagaalyahanada Alshabaab oo uu sheegay in dhabar jab xoogan la gaasriiyay, islamarkaana Maleeshiyo ka baxsatay duqeynta aysan jirin.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayid ah, isagoo ku amaanay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka inay xaqiijiyaan markasta meelaha weerarka ay ku qaadayaan si shacabka aan dhibaato loo gaarsiin.

Bilihii u dambeeyay, Ciidamada federaalka oo kaashanaya ciidamo Maraykan ah waxay labanlaabeen howlgalada iyo duqaymaha cirka ee lala beegsanayo saldhigyadda iyo Madaxda ururka Alshabaab ee koofurta Soomaaliya, iyadoo ururkana laga dilay saraakiil sarsare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip